Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland ayaa lagu xukumay xabsi guri

Taliyaha ciidamada booliska ee Puntland C/qaadir Shire Faarax (Ereg) ayaa lagu xukumay xabsi guri Ka gadaal shaqaaqo ka dhalatay marki shalay uu muran dhex maray asaga iyo ku xigeen kiisa uu Kadib dhaawacay.
Taliye Ereg ayaa hatan lagu ganaaxay xabsi guri waxaana soo saray dikreetadaas madaxweyne Abdi Weli Gaas oo sheegay ilaa amar dambe intaliyaha uu kujirayo xabsi guri.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, ayaa waxaa la sheegay in rasaasta uu u waday Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, balse ay haleeshay Kuxigeenkiisii oo dhaawac uu ka soo gaaray.

Ilaa hadda Puntland si faah faahsan ugama aysan hadlin shilkii lagu dhaawacay Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Puntland, dhacdadan uu sabab ulahaa Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland.


Comments