Raiisul Wasaaraha Somaliya oo gaaray Magaalada Ankara ee dalka Turkiga

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana gagada diyaaradaha ee Ankara ku soo dhaweeyay madax ka tirsan Dowlada Turkiga.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kulan la yeelan doona Madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dalkaas, Kheyre ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashadisa Ankara, walow si wanagsan ay uga war hayan xaalada Soomaaliya, waxuna shacabka iyo madaxda dalka Turkiga kaga mahadceliyay sida ay mar walba ay garab usiiyan shacabka Soomaaliyeed.
"Waxaan u mahed celinaya walaalaha Turkiga, sidii ay uga damqadeen xasuuqi 14-ka bishan ka dhacday isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, taas oo masaakiin badan ay ku waayeen noloshoodii qaarna ay ku dhaawac meen " Ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa hubin doona caafimaadka dadkii ku dhaawacmay qaraxii isgoyska Zoope kuwaas oo loo daabulay dalka Turkiga, si loogu soo daweeyo. Waxuuna kormeeri doonaa xaaladooda caafimaad.
Ra'iisul wasaare Khayre ayaa madaxda wadankas kala hadli doona xoojinta xiriika labada dal, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo waliba sidii loo sii hormarin lahaa mashaariicda uu dalka Turkiga ka wado Soomaaliya.

Comments