Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland oo dagaal culus dhex maray

Dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa wuxuu ka socdaa Bariga Gobolka Mudug, sida ay ku soo waramayaan wariyayaal ku sugan Magaalada Gaalkacyo.
Dagaalkaan ayaa saaka aroortii wuxuu ka bilowday deegaanka Gacnafale oo qiyaastii 10- KM u jira Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo dagaalkaasi ka dhashay.
beryahanba Gobolka Mudug, waxaa ka taagneyd xiisad u dhaxeysa maleeshiyaadka kala duwan oo hub aruursi iyo abaabul dagaal waday.
Lama ogaan karo inta uu la eeg yahay khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee dagaalka ka dhashay, maadaama dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya weli rasaasta kala duwan ay isku adeegsanayaan.
Gobolka Mudug ayaa xaaladiisa waxa ay noqotay mid aanan sal dhigan, maadaama dhawr mar heshiisyo dhanka ammaanka ku saabsan ay kala saxiixdeen Galmudug iyo Puntland, balse waxba aysan ka dhaqan galin.

Comments