Sergio Ramos oo sheegay inuusan hubin sii joogista xidiga Alvaro Morata.






Sergio Ramos ma hubo hadii uu Alvaro Morata uu sii joogayo xagaaga dambe Real Madrid iyo hadii uu ku biirayo kooxda sida aadka ah loola xeriirinayo ee Manchester United.

Morata ayaa aaminsan inuu ku biirayo Premier League kadib waqti cayiman oo uu la qaatay kooxda Real Madrid.
24-sano-jirka reer Spain ee weerarka ka ciyaara ayaa kusoo bilowday 14-kullan oo horyaalka ahwaxaana Madrid uu kula guuleystay  La Liga, iyo Champions League.


Ma wax laga weydiiyay mustaqbalka Morata  captain Ramos ayaa yiri: “waan arki doonaa hadii uu baxayo  Morata.
“Aniga si aad ah ayay ii saameyneesaa laakin marwaliba guul ayaa u rajeynayaa.

Morata ayaa Real Madrid u dhaliyay  20 gool  dhamaan tartamadda, kaas uu kula guuleystay horyaalkiisii ugu horeeyay ee La Liga tan iyo 2012 waxaana kooxdan ay noqotay naadigii ugu horeysay ee difaacata Champions League.

Comments