Muxuu Jose Mourinho Ka Yiri Inuu Ka Horimaanayo Kooxdiisa Hore Ee Real Madrid Koobka UEFA Super Cup?






Waa Mid ka mid ah faa’idooyinka ay leedahay in lagu guuleysto Europa League ay in koobab waa weyn fursad lo helo, waxaana tababare Jose Mourinho uu isha ku hayaa inuu koobka UEFA Super Cup ku wajaho kooxdiisii hore ee Real Madrid.



Kulankaan ayaa noqon doona markii ugu horeysay ee tababaraha reer Portugal uu tartan rasmi ah uga horyimaado kooxda Los Blancos tan iyo markii uu ka tagay sannadii 2013, waxaana uu ursad u heli doonaa inuu qaado mid ka mid ah koobabka uu raadinayay waayihiisa ciyaareed.
“Waa sharaf” ayuu tababaraha Man United u sheegay suxufiyiin uu kula kulmay magaalada Lisbon oo uu ku joogo booqasho akadeemig ah.

“Koox walba oo ku guuleysata Europa League waa inay dareento sharafta ay leedahay inay ka horyimaadaan kooxda ugu fiican Yurub oo ah kooxda ku guuleysatay Champions League.”
Isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Premier League iyo Champions League iyo weliba koobka UEFA Super Cup ee la ciyaarayo 9ka bisha Agoosto ayaa maanka kaga jirta Mourinho waqti xaadirkaan, laakiin Red Devils waxa ay ka hor ciyaari doontaa kulamo waa weyn oo saaxiibtinimo.
“Inaan ka qeyb qaadano Champions League waxa ay wax cusub u tahay qaar ka mid ah ciyaartoydeena” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Kulamada saaxiibtinimo ee ay ciyaari doono waxa ay noqon doonaan kuwa xiiso leh, waxaan la ciyaareynaa Barcelona iyo Man City ka hor Super Cup-ka bisha Agoosto.”

Comments