Maraykanka Oo Helay Meere Cusub Oo Hawada Sare Ah Oo Ka Kooban Dahab Iyo Macdano Qaali Ah Kuna Sheegay Mid Halis Ku Ah Dhaqaalaha Adduunka!!






Maalinba maalinta ka dambaysa khubarada sayniska ee adduunka waxa ay helayaan macluumaad iyo xogo cusub oo la xidhiidha kownkan aan ku nool nahay. Dhawaan wakaaladda hawada sare ee dalka Maraykanka ee loo yaqaano NASA waxa ay shaacisay in ay heleen meere hawada sare ah oo u dhaxeeya meerayaasha Maaris iyo Jupiter kaasi oo gabi ahaanba ka duwan meerayaasha aadamuhu illaa hadda diiwaan geliyey ee aqoonta u yeeshay marka laga hadlayo macdanaha iyo walxaha uu meerahaasi ku kooban yahay iyada oo la ogaadya in meerahan cusub oo lagu magacaabo Psyche uu yahay mid ka kooban macdano badan oo ay ka mid yihiin Dahabka, Niikal, Birta, Naxaasta iyo Macdanta kale ee qaaliga ah ee Palatine macdanahaasi oo qaarkood adduunka wakhtigan gabaabsi ku yihiin taasina ay keeni kara in meerahaasi laga soo dhoofiyo maadaama dadku aad ugu baahan yihiin.
Afhayeen u hadlay wakaaladda Hawda sare ee NASA ayaa sheegay in Meeraha cusub ee ay heleen oo loo bixiyay magaca Psyche uu ka duwan yahay meerayaasha sare isaga oo sheegay in uu dhulka masaafo ahaan u jiro 370 Malyuun oo Kiiloo Mitir. Afhayeenkan ayaa sheegay in ay khubaro muddoba baadhitaan ku waday meerahani ay xaqiijiyeen in uu qani ku yahay macdanaha Birta, Dahabka, Niikalka iyo naxaasta, qiimo ahaana lagu qiyaasi karo in ka badan Boqol Malyuun oo Milyaar taasi oo haddii la isku dayo in macdanaha uu qaniga ku yahay la doonto hoos u dhac weyn oo dhaqaale ku keeni karta dunida gaar ahaan qiimaha macdanahan aan soo sheegnay maadaama laga soo waaridi karo Malaayiin Tan oo dahab iyo macdano kale oo qaali ah.
Waxaana arrinkaasi sii xaqiijisey Wakaaladda Spontic ee dalka Ruushka oo ah wakaalad ka shaqaysa macdanaha qaaliga ah soona saarta taasi oo warbixin ay meerahan ka soo saartay ku sheegtay mid halis ku ah qiimaha macdanaha adduunka ee keydka ah taasina keeni karto dhaqaale burbur adduunka ku dhaca.
Ugu dambayn wakaaladda Hawda sare ee NASA oo doonaysay in ay meerahan u dirto khubaro hawada sare ka hawl gala oo ku takhasusay arrimaha meerayaasha oo ay filayeen in ay diraan sannadka 2022 ayaa u muuqda mid dib u dhac ku imanayo safarkoodaasi ay ku tagi lahaayeen meerahan mucjisada ah ee la helay kadib markii ay talo arrinkaasi ka yeesheen wakaaladaha hawada sare ee Ruushka iyo Maraykanku walina lagu wado daraasado loo adeeganayo sawirro maqal iyo muuqaal ah oo laga soo qaaday meerahan kuwaasi oo muujinaya lakabkiisa, macdanaha ku jira carradiisa iyo qaab dhismeedkiisa.

Comments