Lazio Oo Bartilmaameedsanaysa Labo Xiddig Oo Ka Xamaashta Horyaalka Premier League?





Lazio ayaa dooneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Middlesbrough.

Madaxda kooxda Lazio ayaa isku diyaarinaya in ay lumiyaan xiddigooda khadka dhexe ee Lucas Biglia, oo bartilmaameed u ah kooxaha AC Milan.

Lazio ayaa suuqa ka raadinaysa bedalka Biglia, waxayna aad ula socota dhaq dhaqaaqa England halkaas oo ay dooneyso inay labo xiddig ka bartilmaameedsato.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Middlesbrough Marten de Roon iyo ciyaaryahanka Southampton Jordy Clasie ayaa diirada u saaran kooxda Lazio.

Labadaan nin ayaa sidoo kale lala xiriirinayay kooxda Feyenoord maalmihii la soo dhaafay.

Comments