Jurgen Klopp oo ku dhaw saxiixa laacibka sida weyn loo baadi goobaya ee Mbappe xili kulan oo la yeeshay wakiilka xidigan, hadaba maxaa ka soo baxay kulankas?…..
Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa kulan la qaatay wakiilka ciyaaryahanka Kylian Mbappe, Reds-ka ayaana si toos ah ugu soo biirtay tartanka da’yarka lagu qiimeeyo £100million.
Real Madrid ayaa si aad ah loola xeriirinayaa weeraryahanka 18-sano-jirka kooxda kubbadda cagta Monaco ee Kylian Mbappe.
Mbappe ayaa lagu soo heli karayaa ugu yaraan £100million waa hadii uu buska suuqa kala iibsiga ciyaaryahanadda uu ka raacayo kooxda Monaco.
Arsenal ayaa sidoo kale tartanka qeyb ka ah iyada oo ku fashilantay dalab ay ka gudbiyeen ciyaaryahanka 12-bilood ka hor.
Mbappe ayaa haatan isku diyaarinaya kullanka saaxibtinimo oo France talaadada ay la ciyaari doonan xulka England.

Comments
Post a Comment