Jose Mourinho Oo Iska Iibinaya Chris Smalling, Haddaba Sababta Maxay Tahay?






Mustaqbalka Chris Smalling ee Manchester United ayaa shaki galay,
ka dib imaanshihii Victor Lindelof.


Lindelof wuxuu Man United kaga soo biiray kooxda reer Portugal ee Benfica,
wuxuuna u safri doona Manchester si uu tijaabada caafimaadka u maro.


Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya inuu Lindelof ka garab ciyaarsiyo Eric Bailly
taaso la micno noqonaysa in qorshaha Mourinho uusan ku jirin Smalling,

kaaso hadda laga diri doono kooxda Man United.

Comments