Eden Hazard ayaa la marsiyay qaliin deg deg ah kaddib markii uu jab ka soo gaaray canqowga intii lagu guda jiray tababarka xulkiisa Belgium ee shalay.
Inkastuu garoomada ka maqnaan doono muddo saddex bilood ah misane sawir uu soo dhigay ayaa ka muuqanaya farxad iyo isagoo suulka kor u taagaya.
“Eden Hazard wuxuu maanta maray qaliin lagu guuleystay kaddib markii ay jabniin canqowga ah ka soo gaaray mar uu la tababaranayay xulkiisa qaranka ee Belgium. Waxaa la filayaa inuu tababarka ku soo laabto qiyaastii saddex bilood.” Chelsea ayaa sidaa xaqiijisay.
Hazard waxaa baryahan gaad gaadayay Real Madrid oo lacago badan ku dooneysay balse dhaawacan ayaa saameyn kara rabitaanka kooxda reer Spain.

Comments
Post a Comment