Fernando Torres Oo Isbuucan Go`aan Cad Ka Gaaraya Mustaqbalkiisa Atletico Madrid.





Madaxda Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa goor dambe oo Isbuucaan ah
inay wadahadalo la geli doonan Fernando Torres si loo ogaado haddii uu heshiis cusub saxiixayo
iyo haddii kale.

Sida laga soo xigtay Marca , 33 jirka reer Spain Torres ayaa doonaya in loo xaqiijiyo
halka uu ka joogo kooxda.

Atletico Madrid ayaa lala xiriirinaya tiro weeraryahano ah taasona shaki gelinaysa
mustaqbalka Torres ee Atletico Madrid.

Torres ayaa dhaliyay 10 gool 44 kulan uu u saftay Atletico tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Comments