Daawo Sawirrada Xiddigaha Xulka England Oo Tababar Adag Oo Milatari La Geliyay Ka Hor Kulanka Ay La Ciyaarayaan Scotland







Xulalka England iyo Scotland waxa ay soo ciyaareen mudadii sannadaha aheyd kulamo xusuus leh.



Ka hor kulanka ay Sabtida xulka England u safrayaan Scotland ee isreebreebka Koobka Adduunka, tababaraha England Gareth Southgate ayaa ka yaabsaday ciyaartoydiisa isagoo u qaaday xero tababar milatari.
Ka dib markii ay soo gaareen xarunta tababareka xulka England ee St George’s Park

Jimcihii, xiddigaha Southgate ayaa loo kaxeeyay Devon oo ay joogeen muddo 48 saacadood ah waxaana ay galeen duni ka duwan midoodii hore.
Ciyaartoyda xulka oo dhan ayaa lagu qasbay inay dhiibaan taleefanada gacan qaadka – laakiin noloshooda intaas waa ay ka sii adkaatay.
Ka dib waxa ay mareen dhowr tababar oo la marsiiyay askarta cusub ee ay diiwaangashadaan Royal Marines-ka.

outhgate ayaa yiri: “Waxaan dooneynay inaan ciyaartoyda geli jawi ka duwan kii hore, wax aysan filaneynin.”
Ciyaartoyda England ayaa ka soo laabtay xerada tababarka England Axadii, waxaana loo ogolaaday 48 saacadood oo fasax ah oo ay ku joogaan guryahooda.
Waxaana go’aankaas uu lidi ku ahaa bandowgii uu Southgate ku soo rogay ciyaartoyda England markii Wayne Rooney isagoo cabsan uu aroos aan lagu casuumin iska tagay ka dib guushii ay ka gaareen Scotland.
Waxa ay ciyaartoyda England saaka ku soo laaban doonaan xarunta tababarka St George’s Park ka hor inta aysan u hayaamin magaalada Glasgow Jimcaha.
Ka dib kulanka Sabtida ay la ciyaarayaan xulka Scotland ka dib waxa ay duuli doonaan Paris halkaasoo ay Talaadada soo socota kulan saaxiibtinimo kula ciyaari doonaan France.









Comments