Chelsea ayaa ku guuldareysatay dalab biloow ah oo ay ka gudbisay Daafaca Juventus Alex Sandro.
Daafaca kooxda Juventus ayaa ka mid ah daafacyada ay sida aadka ah u doonayan kooxda Chelsea, iyadoo macalin Conte uu raadinayo daafac cusub.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda ka dhisan Serie A ayaa ku gacan seeyrtay dalab dhan £ 44 milyan oo Pound ah oo u dhiganta ( 50 milyan oo Euro) oo ay Chelsea soo gudbisay.
Conte ayaa suuqa ka raadinaya daafac bidix si uu ula tartan siiyo Marcos Alonso.

Comments
Post a Comment