Boqorada Yurub Real Madrid Oo Miiska Saaraysa Lacag Rikoor Ah, Si Ay Ula Soo Wareegto Da`yarka Suuqa Wareeriyay Ee……….





Real Madrid ayaa doonaysa in ku garaacdo kooxo badan oo yurub ka dhisan sida Arsenal iyo
Manchester United saxiixa da`yarka reer France Kylian Mbappe.

Manchester United ayaa dagaal xoogan ugu jirta sidii ay ula soo wareegi lahaayen Mbappe,
oo ka mid ah weeraryahanada ugu qatarsan kubada cagta.

The Sun ayaa sheegeysa in kooxda ku guuleysatay Champions League ay miiska saari doonto
lacag rikoor adduunka ah , kaasi oo dhan £118 Milyan.

Tani waa ay isku day labaad oo ay Real Madrid isku dayeeso inay ka dhaadhiciyaan xiddiga da’da yar
si uu usoo caga dhigto caasimada Spain ee Madrid.

Arsenal ayaa dalab dhan £ 87 Milyan ka gudbisay Mbappe isbuuci lasoo dhaafay
balse waa laga soo diiday.
Mbappe ayaa shaaca ka qaaday inuu ku riyoonayo inuu u ciyaaro kooxda Boqorada yurub
ee Los Blancos.

Comments