Bayern Munich Oo Dooneysa Inay Ku Garaacdo Kooxaha Man United Iyo Chelsea Saxiixa Romelu Lukaku.





Bayern Munich ayaa dooneysa inay dalab u dirto weeraryahanka kooxda Everton Romelu Lukaku.

Manchester Evening News ayaa sheegaysa in tababaraha kooxda Bayern Carlo Ancelotti uu si weyn u la dhacsanyahay weeraryahanka kooxda Everton ee Lukaku, wuxuuna doonaya inuu keeno
garoonka caanka ah ee Allianz Arena.

Weeraryahankii hore ee Chelsea aabihiis oo la yiraahdo Roger ayaa naftiisa rajeenaya inuu wiilkiisa ku biiro kooxda Bavarian-ka.

Xiisaha kooxda Jarmalka ee weeraryahanka 25-gool u dhaliyay kooxda Everton ayaa kusoo beegmaya xilli ay doon doonayan kooxaha reer England ee Manchester United iyo Chelsea.

Comments