Arsene Wenger oo ka go’an inuu la soo saxiixdo xidigaha kala ah Aubameyang, Mehrez iyo Mbappe





Arsene Wenger ayaa dhaqaajin doona baska uu ku doonayo inuu kusoo xero galiyo Kylian Mbappe, Inkastoo Arsenal la warinayo iney ku adagtahay qaabka ay kusoo qaadaneeso 18-sano-jirkan waxaana ay dagaal kala kulmeysaa Real Madrid.

Arsenal ayaa u diyaarisay ciyaaryahankan aduun lacageed dhan €100m una dhiganta (£87.5m) balse jaraa’idyada qaar ayaa warinaya in dalabkaas dib loogu soo celiyay Arsenal.

Arsenal ayaana rajeyneesa in xagaagan ay dhameestirto saxiixa Mbappe waxaana kooxda sidoo kale lala xeriirinayaa Riyad Mahrez, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Kingsley Coman.

Arsenal ayaa u baahan in ay dardar xoogan ay ku sameyso suuqa kala iibsiga ciyaaryahanadda xagaagan waxaana Afartaas ciyaaryahan ay ku raadiyaan aduun lacageed gaaraya £230,000.

Weeraryahanka Dortmund Pierre-Emerick Aubameyangayaa sidoo kale lala xeririinayaa kooxda Real Madrid iyo Bayern Munich laakin Arsenal ayaa ku dooneysa £60m.

Sidoo kale Mahrez iyo Kingsley Coman ayay ku doonayaan midkastaba aduun lacageed gaaraya £35m.

Gunners ayaa xagaagan ku fashilantay iney xaqiijiyaan booskooda Champions League waxaana Wenger uu doonayaa in xagaagan isbadal weyn uu kooxda ku sameeyo.

Comments