AC Milan Oo Isha Ku Heeysa Weeraryahanka Kooxda Chelsea Ee Diego Costa.






AC Milan ayaa indhaha ku jeedinaysa weeraryahanka kooxda Chelsea ee Diego Costa
ka dib markii loo diiday inay wareegan Alvaro Morata.

Milan ayaa hada dooneysa inay u dhaqaaqdo soo xerogelinta Diego Costa, kaasoo u muuqda inuu ka tagayo kooxda Chelsea, waxaana lagu xamanaya inuu ku laabanayo kooxda Atletico Madrid.

Xiddiga reer Spain Costa ayaa sidoo laga yaabaa inuu ku biiro Milan, si kastaba ha ahaatee, dhanka kale Rossoneri ayaa diyaar u ah in ay qarash gareyso lacago badan si ay u helaan weeraryahankan.

Milan ayaa sidoo kale lala xiriirinayay ciyaaryahanka da’da yar ee Celtic Moussa Dembele
maalmihii la soo dhaafay.

Comments