Waxbarasho joogto ah ayaad kaga gaashaaman kartaa fashilka ganacsiga




Ma ogtahay in dhamaan ganacsiga cusub ay 95% fashilmaan? taasi macnaheedu waa in kuwa guuleysta ay aad u yaryihiin. Hadaba su’aashu waxay tahay sidee ayaad uga gaashaaman kartaa in ganacsigaaga cusub uu fashilmo? Waxbarashada joogtada ah iyo aqoon-ururiska ayaa ka mid ah aaladaha aad isticmaali karto. Halkaan waxaan kuugu soo bandhigaynaa dhowr talo oo kaa caawin kara in uusan fashil ku dhamaan ganacsigaaga cusub.
1. Haddii aad asaasaayso ganacsi cusub waa in aad heshaa macluumaadka iyo aqoonta aad u baahantahay si aad si hufan u socod siiyo ganacsigaaga. Aqoontaas waxay noqon kartaa xisaabinta, suuq-geynta, maaraynta iwm. Dad badan ayaa iska dhaadhiciya in aysan adkayn in ganacsi la furto, balse ganacsi uusan qofka furtay aqoon la’hayn fashil ayaa u dambeeya.
2. Maadaama uusan hal qof khabiir ku noqon karin waxkasta, waxaad u baahantahay in aad hesho la taliyaal wanaagsan iyo shaqaale aqoon leh kuwaasoo kaa caawin kara in ay buuxiyaan aqoonta adiga kaa maqan.
3. Ka faa-idayso aqoonta taala internetka, waxaad heli kartaa boqolaal koorso oo lacag la’aan ah si aad kor ugu qaado aqoontaada. Waxaad sidoo kale soo dejin kartaa buugaag (E-books) lacag la’aan ah ama kuwo lacag ah oo aad aqoontaada kor ugu qaadi karto. Inkastoo buugaagta Af-Soomaaliga ku qoran ay yarihiin.
4. Samee qorshe bileed ku saabsan hamigaaga, kaasoo aad ku qeexayso waxyaabaha aad doonayso in aad ku fuliso bishaas. Markii bishu ay dhamaato samee isbarbar dhig ku saabsan qorshihii aad samaysay iyo xaaladu siday noqotay. Ka dibna waxaad dajisaa qorshe cusub oo ku salaysan casharadii aad qaadatay bishii hore.
Wadada lagu gaaro guusha ganacsigu ma fududa balse haddii aad la timaado daacadnimo, hawl-karnimo iyo waxbarasho joogto ah waxay u badantahay in aad guul ka gaari doonto ganacsigaaga, waa haddii Allah idmo.

Comments