shantaan fikradood waa kuwo fudud oo qof kasta oo xoogaa lacag ah haystaa bilaabi karo waana kuwo suuq fiican haysta kana jirana wadamada horumaray.
1: Kiraynta baaskiilada
Kiraynta baaskiilada waa ganacsi aad iyo aad looga faa’iidi karo. Waana ganacsi aminkamaba kori kara hadaad macaamiil fiican hesho oo aad meel ku haboon ka furtid ganacsiga waayo lambar aad u weyn ayuu bulshada ka haystaa (target population) lambarkaasoo ah caruurta, dadka ugu badan oo isticmaalaa waa caruurta hadana caruurtu waa heerka ugu badan dadka ku nool magaalooyinka marka dadka loo qaybiyo (waayeel, dhalinyaro iyo caruur) waxaa kaloo soo raaca dhalinyarada.
Waxaad ka furi kartaa ganacsigaan koobaha suuqa iyo goobaha xaafadaha waliba meelaha ay garoomada ah oo kubadaha lagu cayaaro oo ay dhalinyardu u badantahay xataa xiliyada ciidaha aad ayaa looga faa’iidi karaa.
2: Kiraynta baabuur VIP ah
Waxaad samayn kartaa inaad ka ganacsatid adigoo dadka ka kiraynaaya baabuur VIP ah oo aad loo hagaajiyey loona qurxiyey oo layrar iyo ubaxyo qurxoon lagu xiray ahna kuwa ay soomaalidu ku faanto ama ay ku xaragooto.
Waxaadna ka kirayn kartaa dadka leh xafladaha waaweyn oo vip ga ah inaad geyso iyo xafladaha aroosyada iyo kuwa meherkaba adigoo soo qaadaaya labada qof oo arooska ah iyo malxiisyada soona galbinaaya sida caadiga ah oo magaalka kusoo wareejinaaya saacadiina aad kiro ka qaadaysid qofba inta uu doono ama ay aqoodiisu tahay adoona saacaddi ka qaadaaya kiro macquul ah.
Arintaani waxa ay ka jirtaa aduunka meelo badan oo ah wadamada horumaray waana canacsi fudud dadkuna faanka iyo xayeysiinta wey jecelyihiin.
3: Shirkad kaluumaysi
Waxaa soomaaliya ka jira magaalooyin badan oo xeeba ku yaala haystana xeebo aad u waaweyn oo khayraad farabadani ku jiraan oo faa’iido badan leh.
Waxaad gadan kartaa dhowr saxiimado ama waad kiraysan kartaa badda ayaana ka keenaysaa kaluunka meelo gaar ah waad ku iibinaysaa oo aad adigu furatay ahna meelaha ugu suuq wanaagsan oo dadka badan leh.
Waxaad u samaynaysaa kaydad waaweyn oo kaluunka lagu kaydiyo si uusan kaaga dhamaan oo suuq yari kuugu dhicin waxaadna gayn kartaa goobaha kale oo xeebaha ka durugsan.
4: Goob caruurta ay ku dheelaan
Waxaa wadamada aduunka intooda badan ka jirta goobo waaweyn oo caruurta lagu madadaaliyo oo ay dalxiis u tagaan kana ay helaan waxyaalo aad u badan oo ay ku cayaaraan iyo meelo ay cuntooyin ka helaan.
Ganacsigaa maanta waa laga bilaabi karaa wadankeena soomaaliya waxaana la kiraysan karaa meelo waaweyn oo wareegyo ah, waxaadna keeni kartaa baabuurta ay ciyaalku ku cayaaraan iyo qalabka ay ku cayaaraan waxaadna kaloo u samayn kartaa meelo ay wax ka cunaan marka ay daalaan oo ay gaajoodaan cabitaankana ay ka cabaan adigoo ka faa’iidaaya iibinta cuntada iyo kiraynta qalabka ay ku cayaarayan.
5: shirkad nashqadaysa aroosyada iyo xafladaha
Inaad furatid shirkad yar oo nashqadaysa xaflahada aroosyada iyo xafladaha jaamacadaha iyo kuwa qarankaba oo iskuduba ridda diyaarisana xafladahaas una diyaarisa qaabab kala duwan oo casri ah una kiraysa meelaha ay ku haboontahay xafladda in lagu qabto loona waca ama loo diyaariyo saxaafadaha iyo wargaysyada iyo ciddi duubi lahayd xafladaas.

Comments
Post a Comment