4 taan su’aalood isweydii markasta si aad guul u gaarto





1: Waa maxay awooddayda ii gaarka ah?
Maalin walba weydii naftaada “waa maxay waxa keliya oon aan qaban karo balse dadka kale aysan qaban karin”
Waxa keeligaa gaar kuu ah daruuri uma ahan waxaad qabanaysid, laakiinse waa sida aad u qabanaysid howsha.
Raadi waxa keliya ama awooda adiga gaar kuu ah si aad howshaada si fiican aad u qabsatid, waana inaad fiirisaa dhamaan waxaad aad sida fiican u samayn kartid oo aad ku fiicantahay.
Awoodda gaarka kuu ah ayaad ku meelmari kartaa oo aad tartamaayaashada kaga guulaysan kartaa haddaad sida saxda ah oo ku haboon aad u isticmaashid oo fekir iyo aqoon dheeraadana raacisid.
2: Weli ma koritaan baan ku jiraa?
Eeg naftaada oo fiiri heerka aad joogto maskax ahaan iyo aqoon ahaanba, fiiri oo tijaabi inaad wax aad u qaban kartid sida saxda ah oo ku haboon iyo inaad wax maarayn kartid iyo in kale iyo waliba inaad xalin kartid mushkiladaha kulasoo gudboonaada.
Is qiimeey oo tijaabi naftaada wax ka ogowna heerka aad ka taagantahay bulshada aad la nooshahay.
3: Waa maxay xirfadda kale ee aan u baahanahay?
Dhib malahan waxa aad ka raadinaysid noloshaada, waana muhiim inaad si joogto ah aad u diyaarisid ama aad u qaadatid xirfad cusub.
2 ama 3 bilood kasta dib u fiiri xirfadihii aad soo baratay oo dib u muraajicay si aadan u hilmaamin, waxaadna eegta oo aad raadisaa maalin kasta xirfado cusub oo ah kuwa aadka kuu anfacaaya si aad u heshid xirfado cusub oo aad horumar ku samayn kartid.
4: Maxaan inta badan ku faanaa?
Waxaad u baahantahay inaad nasatid oo aad dib u fiirisid guushaad iyo horumarkaad gaartay iyo waliba sidii aad ahaan jirtay.
Waxaad u baahantahay inaad is barbar dhigtid noloshaadii hore iyo noloshaad ku jirtid hadda si uu farqi weyn ugasoo baxay farqigaas oo ah guushaada.
Haddii aadan saas samayn waxaad la mid tahay taayir aanan waligiis bareeg la qaban oo xawaare uun ku socda, waa inaad eegtaa guulaha la taaban karo ee aad gaartay sida dhismayaasha baabuurta, ganacsiga IWM iyo guulaha aan la taaban Karin sida sharafta iyo qiimaha aad ku yeelatahay meeshaad joogtid.
Markaad intaas samaysid ayey kuusoo baxaysaa waxa aad ku faani kartid oo aad haysatid dadka badankooduna aysan haysan.

Comments