4 hab oo lagu heli karo macmiil joogto ah




Dhib malahan baaxadda uu ganacsigu le’egyahay, macmiilka dhabta ah aad iyo aad ayuu muhiim ugu yahay ganacsiga. Waxaad ku bixisaa wakhtigaaga ganacsi macmiilka dhabta ah in ka badan 67% wakhtiga aad ku bixinaysid macmiilka cusub. Waxa ay toban jeer ka saraysaa oo ka faa’iida badantahay inaad macmiil cusub kasbatid. Haddii aad doonaysid inaad macmiishada dhabta ah ilaashatid, ku dadaal inaad samaysid oo aad si fiican u fulisid dhowrkaan arimood.
1: diyaari qaababkii aad kula xiriiri lahayd macmiishaada
xiriirka soo noqnoqda oo u dhexeeya adiga iyo macaamiishaada waxa uu ilaalinayaa ama uu ka fareesh ka dhigayaa maskaxdoodana hagaajinayaa macaamiisha waxaadna ka heleysaa xog dheeraad ah oo ku saabsan ganacsigaaga.
Wakhti u sameey aad kula xiriirto macaamiishada iyo meelo ay kaala soo xiriiri karaan sida email-da iyo taleefoonada.
Baraha bulashadu ay ku xiriirtana aad ayey u muhiimsantahay sida facebook, twiter iyo whatsapp-ka.
2: Si aad u badan ha ku tiirsanaan tiknoolojiyadda
Xataa hadaynu isticmaalno tiknoolojiyadda casriga ah oo aynu email-lo iyo dhambaalyo u dirno, weli waxa aynu u baahannahay inaynu helno maalin kasta macaamiil cusub.
Haku xirin aalladdaad kala xiriirayso macaamiishaada dhambaalyo iyo email-lo iyadu is diraaya waayo waxaa ka wanaagsan inaad si toos ah aad adigu ugu dirtid dhambaalada oo hadalo iyo sharfid kala duwan aad u isticmaashid halka aad maalin kasta qoraal isku mid ah u isticmaali lahayd oo iyagu isdiraaya.
Arintaani aad iyo aad bey ugu wanaagsan tahay qayb wanna ka qaadataa helitaanka macaamiil wanaagsan oo hufan.

3: Macaamiishaada si wanaagsan ugu adeeg

Tani waxa ay u muuqataa siin, laakiin waa halka hab soo celcinaaya macmiilkaaga maxaa yeelay aad iyo aad ayey muhiim u tahay. Baaritaan lasameeyey 2013 ayaa waxaa laga helay boqolkiiba 51 macaamiisha xiriirkoodu ganacsi wuu dhamadaa taasna waxaa sabab u ah wax aysan ku qanacsanayn adeegga ay ka helayaan ganacsatada.

Macaamiisha waxa ay xasuustaan marka si fiican loola dhaqmo oo aad loo qiimeeyo loona hagaajiyo si fiicanna loosoo dhoweeyo, Xataa waxa ay u sheegaan asxaabtooda iyo qaraabadooda.

4: Ha hilaamin inaad u dhoola caddeysid macaamiishaada

Tanina waa hab kale oo lagusoo jiito macaamiisha, laakiin aad iyo aad ayey muhiim utahay inaad farxad iyo dhoolada cadayn u muujisid macmiilka kaa adeeganaaya.
Daraasad laga sameeyey maraykanka ayaa waxey sheegaysaa in macaamiisha lasoo dhoweeyo oo si diiran loo salaamo loona dhoola cadeeyo iney ku bixiyaan wakhtigooda boqolkiiba 67 inay ka adeegtaan meelahaas.

Comments