Dadka waayeelka ah waxay u baahanyihiin daryeel joogto ah, iyadoo qaasatan wadamada reer galbeedka ay qeyb badan oo ka mid ah shacabka ay gaboobayaan. Fursadaha ganacsiga ee la xiriira dadka waaweyn waa kuwo balaaran oo ay hadaba ka shaqeeyaan malaayiin qof isla markaana soo saara balaayiin dollar. Halkaan waxaan ku soo bandhigaynaa 4 fikrado ganacsi oo la xiriira dadka waaweyn.
1. Senior day-care center (Goob lagu xanaaneeyo dadka waaweyn) – Goobtaan waxaa lagu tilmaami karaa xanaano lagu daryeelo dadka waaweyn. Dad badan oo shaqeeya ayaa u baahan cid ilaalisa waalidkooda si la mid ah sida loo xanaaneeyo caruurta. Dadka waaweyn ayaa sidoo kale u baahan meel ay kula kulmaan dadka facooda ah oo ay kula sheekaystaan. Ganacisga nuucaan ah waxa uu u baahanyahay dhisme wanaagsan oo ay fududahay in ay soo galaan dadka waaweyn. Waxay noqon kartaa goob dadka waaweyn ay u yimaadaan in ay kula kulmaan dadka kale oo ay waqtiga ku dhameeyaan ama goob caafimaad oo lagu daryeelo.
2. Relocation service (Adeegyada guuritaanka) – Dad badan oo waayeel ah ayaa iska iibinaya guryahooda waaweyn una guurayo guryo yaryar, taasi waxay ku siinaysaa fursada bixinta adeega guuritaanka. Waxay u baahanyihiin cid ka caawisa geediga, xiritaanka iyo raritaanka alaabta iyo geynta. Waxay kale oo u baahan karaan nadiifinta guriga ay ka guureen. Shirkadaha qaarkood ayaa xitaa waxay bixyaan adeega iibinta guriga iyo soo iibinta guriga cusub iyo dhamaan adeeg kasta oo la xiriira geediga.
3. Home care and home health-care services (Daryeelka guriga iyo adeega caafimaadka) – Dadka aad waayeelka u ah waxay u baahanyihiin caawimaad joogto ah oo la xiriirta guriga. Haddii ay tahay cunto garin, nadaafada, feerada iyo in loo akhriyo wargeysyada. Dad badan ayaa doonaya in aysan waalidkooda geyn guryaha dowlada, sidaa darteed waxaa ka banaan fursado ganacsi oo balaaran. Iyadoo ku xiran heerka adeega aad bixinayso waxaa macquul ah in loo baahanyahay in aad fasax ka haysato dowlada si aad u bixiso adeegaas.
4. Transportation service (Adeega gaadiidka) – Waayeelka aan baabuurta wadi karin waxay u baahanyihiin cid ka caawisa in ay qaado. Waxay noqon kartaa adeeg la xiriira in baabuurkooda lagu qaado oo darawal loo noqdo ama in darawal iyo baabuur is wata la siiyo. Waxay u baahanyihiin baabuur si sahlan loo fuuli karo iyo darawal masuul ah oo daryeel fiican.
Comments
Post a Comment