1: Inaadaan aqoon tartamahaaga
Haddaadan aqoon cidda kaagala soo horjeedda ganacsigaaga oo kugula tartamaysa ganacsiga, waxaad ku jirtaa wakhti aad ugu adag inuu ganacsigaagu koro, ogow ganacsi kasta waxa uu leeyahay tartame oo la tartamaaya.
Laakiin hadaadan ogayn waxa ay bixinayaan iyo siday u shaqaynayaan tartamayaashaadu side ayuu ganacsigaagu usii jirayaaa?
Inaad ku fashilmatid inaad ogaatid tartamahaaga ogow ganacsigaagu masii soconaayo.
2: Inaadaan fahansanayn macmiilkaaga
Markaad ganacsanaysid, waxaad u baahantahay inaad ogaatid cidda iibsanaysa badeecadaada oo ku haboon inta baddanna kaasoo doonanaysa. Waa inaad ogaataa macaamiishaada haddaad rajaynaysid inuu ganacsigaagu kobco.
3: Kharashkaagoo yar
Ma maqashay “waa inaad bixisaa lacag si aad lacag u heshid”
Waa dhab ganacsi ahaan, waxaad u baahantahay lacag kugu filan si aad uga gudubtid marxaladaha ganacsiga. Inta uu ganacsigaagu ku jiro marxaladda dhalaanka (yaryahay) waxaad u baahantahay lacag kugu filan oo aad ku kobcisid si ay kaaga ilaaliso inuu ganacsigaagu iska sabbeeyo ilaa inta uu kaaga samaynaayo lacag. Intaas ka dib, markaad diyaar u noqotid inuu balaarto ganacsigaagu, waxaad u baahantahay meel kale oo aad lacag ka helaysid si aad ugaartid ganacsi leh macaamiil badan.
Haddi aadan haysan lacag ka hor intaadan u baahan, ganacsigaagu ma kobcaayo, waa inaad lacag soo amaahataa ama ay ku siiyaan maalgeliyaal si ay kuu caawiyaan. Waxaad kaloo u baahantahay bangiga inuu lacag ku siiyo si aad ugu kobcisid ganacsigaaga..
4: Inaad keligaa go’aanka gaartid
Hal abuurayaal badan aya ku bilaaba ganasigooda koox ahaan. Taasi waa hagaag, laakiin ma sahlana inaad keligaa abuurtid ganacsi oo si fiican u kobco guulna aad ka gaartid. Waayo waxaad u baahantahay wax kula taliya oo waano ku siiya. Waxaad u baahantahay lataliye ganacsi, ama taba bare ganacsi ama inaad samayso guddi agaasimayaal ah.
5: Hoggaanimo xumo
Haddii uu ganacsigaagu haysto koox maamusha oo ku filan, waxaad u baahantahay inaad hubisid xubin kasta inuu ku fekeraayo wixii dibadda ah, inuu awood siinaayo shirkadda iyo inuu xalinaayo khatarta soo waajahda kobcitaanka ganacsiga.
Dhanka kale, waxaad u baahantahay hogaamiyaal aragti dheer leh oo ka dhabaynaaya aragtidooda.
6: Inaadaan daba gelin (ilaalin) lacagtaada
Haddii aad biilasha iyo dhigashada lacgta aad bixinaysid wixii bangiga ka baxay waxaad ku jirtaa xaalada ku adag inuu kobco ganacsigu. Intaas ka dib, sideebu ku kobcayaa ganacsigaagu hadaadan ogayn lacagta ka baxaysa iyo lacagta soo gelaysa ganacsigaaga?
Waxaad u baahantahay habab xisaabineed oo aad u wanaagsan hadaad u baahantahay inaad soo jiidato oo aad heshid macaamiil cusub, inaad heshid suuq wanagsan iyo inaad riixdid oo baritaartid iibsigaaga. Waa inaad shaqalaysataa xisaabiye si uu kuu caawiyo, ama aad samaysataa software sida midka xisaabaadka ee Quicken ama Quickbooks. Waxaadna u baahantahay inaad dabageshid lacagtaada oo aad ilaalisid sida ay ku baxayso, sidaas darteed waad qorshayn kartaa kobcinta ganacsigaaga.

Comments
Post a Comment