Erayo Aad U Macaan, Oo Haboon inaad mar kasta Isticmaasho.






1*Qalbigaa ku tebay hadii aanan saacado ku aragna waqtigu wuu ila dheeraadaa,dikaanka wadnaha wuxuu i noqdaa mid boobsiis ah marka aan hortaaganahay,ma hubo dareen nuucan ah inuu horey iisoo maray,laakin waxaan hubin karaa inaan kugu riyoodo dharaar iyo habeen,islamarkaana aan kuu riyaaqo Indhuhu wey kugu doogsadaan.

2* Malaga yaabaa in waxa aan dareemaayo yahay jaceylkii dhabta ahaa ee buugaagta keliya lagu xusi jiray? Mise aniga ayey ii sawiran tahay in dunida xagaaga keliya dhadhan iyo macanba ka leedahay?

3* Rajeynta inaad dhinacageyga taagnaan doontid inta nolosheyda ka dhiman,sababtoo ah waxaan qabay dareen ah in jaceylkaaga uu ku tiirsan yahay dareen kulul. Aan dhahno hadii aan isla wadaagno nolosha waxaan noqoneynaa dadka aduunka ugu nasiibka wanaagsan.

4*Waad iga istaahishaa inaan kuu riyaaqo,inaan ku xushmeey,waxaan kaa helaa bogaadin inta ugu badana waxaan kaa helaa jaceyl mug leh

5*Jaceylku waa sida dagaal si fudud ku bilowda wuxuuna ku dhamaadaa si adag,macquulna ma’ahan in la ilaawo.

6* Waxaan rajeynaa inaad si wanaagsan u fahanto inaan ku jeclaan doono ilaa inta ka dhiman nolosha,sababtoo ah waxaad tahay qofka keliya ee nafta bogsiisa,islamarkaana aan ku aaminay riyada mustaqbalkeyga.

7*Marwalba dhinacaaga iga fiiri xabiibi,wax dhib ahna malahan duruurfaha adage e nolosha waxaa keliya looga gudbi karaa qalbi saafi ah oo jaceyl iyo daryeel kuula diyaar ah Jaceylkeyga waa mid qoto dheer oo runta ku saleysan, xiisuhu wuxuu kordhiyaa aragtiyada caashaqa,qalbiguna wuxuu u garaacmaa si dhaqsi leh markaan isha ku saaro,waana arinta ugu macaan ee nolosheyda soo marta inaan habeen iyo maalin qalbiga kuugu haayo.

8*Jaceylkeyga weligiis wuxuu ahaan doonaa mid ah oo laga ilaaliyey qiyaano iyo daneysi,nafteyda ayaanba ii ogolaaneynin iney ilbiriqsiyo qof aan adiga aheyn isha ku xado

9* Jaceylku waa sida xidigaha,waxaa loo saadaaliyaa sida riyada nolosha,waxaa loo hagaajiyaa sida nolosha tan iyo markii aan adiga ku arkayna nolosheydoo idil adigaa milkiyey.

Comments

Post a Comment